Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaraar xilka lagaga xayuubinaayo Trump oo la shaaciyey+Dambiyo Waaweyn oo lagu eedeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaraar xilka lagaga xayuubinaayo Trump oo la shaaciyey+Dambiyo Waaweyn oo lagu eedeeyay

 nancy-1.jpg

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa cadaadis xoogan la kulmaya , waxaana hada la diyaariyay mooshin deg deg ah oo xilka lagaga qaadayo kahor inta uusan xilka ka degin 20-ka bishan.

Xubnaha Xisbiga Dimuqraadiga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa faafiyay qaraar qabyo ah oo xilka looga qaadayo Madaxweyne Donald Trump, oo lagu eedeeyay in uu dalka Qalalaase galiyay.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sidoo kale lagu eedeeyay danbiyo waaweyn iyo dambiyo fudud, oo ay kujirto kicinta kacdoon shacab, iyo weerarkii taageerayaashiisa ku galeen xarunta Koongareeska Mareykanka.

Afhayeenka aqalka Koongareeska Mareykanka  Nancy Pelosi, ayaa sheegtay iney sii wadi doonto ololaha xil ka xayuubinta Donald Trump haddii uu madaxwyenaha si dhakhso ah isu casili waayo.

Waxa ay sheegtay Nancy Pelosi , in xil ka qaadis deg deg ah lagu sameeyo madaxweynaha ka hor xilligii loo asteeyay si looga hortago Qhalaase iyo dhibaato in uu dalka u horseedo maalmaha xilka uga hadhay.

Madaxweyne Trump ayaa si weyn loogu cambaareeyay falkii taageerayasahiisa ku galeen xarunta Koongareeska Mareykanka, waxaana is casilay Wasiiro ku dhawaa Madaxweynaha oo ka cadhooday sida ay u dhaqmeen taageerayaasha Trump.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this