Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha ka dhashay Dagaal beeleed xooggan oo ka dhacay Gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhintay, in ka badan 10 kalena waa ku dhaawacmeen dagaal beeleed xooggan oo maanta ka dhacay miyiga degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari.

Dagaalka oo bilowday subaxnimadii hore ee saaka, waxa la sheegay in uu salka ku hayo degaamaynta dhul miyi ah oo labada beelood ku muransan yihiin, halkaas oo beelaha midkood doonaysay in ay ka samayso tuulo.

Dagaalka oo mudda saacado ah socday, ayaa haatan is taagay, waxaase laga cabsi qabaa in uu sii socdo, maadaama ay is hor-fadhiyaan labadii malayshiya-beeleed oo halkaas ku dagaallamay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa sidoo kale ku wajahan dhulkaas lagu dagaallamay, waxaana socda waan-waan la doonayo in dagaalka lagu joojiyo.

PUNTLAND POST

The post Khasaaraha ka dhashay Dagaal beeleed xooggan oo ka dhacay Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this