Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaro Ka Dhashay Dagaal Ka Dhacay Deegaan Hoostaga Gobalka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahio dheeraad ah ayaa ka soo dagaal ciidamada Jabuti ee qeybta ka ah howl galka midawga nabad ilaalinta afrika AMISOM iyo Al-shabaab ku dhex maray degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubna ka tirsan alshabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ciidamada Jabuti ay ku sugnaayeen kaas oo ku yaalla degmada Jalalaqsi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo saacado ah socday.

Wararka aan ka heleyno degmada jalalaqsi ayaa sido kale sheegaya in labada dhinac uu soo kala gaaray khasaaro kala duwan, Saraakiil u hadashay ciidamada ayaa sheegtay in ay iskacabiyeen shababki weeraraka soo qaaday.

Dhanka kale Al-shababa ayaa warar ay ku baahiyeen barahooda taagera ee dhinaca qadka waxa ay ku sheegeen in ay dileen hal sarkaal halka ay seddax askari ay dhaawaceen.

 

Wixii ku soo kordha warkaan kala soco https://goobjoog.com/

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this