Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Ka Dooday Sharciyo Muhiim Ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo xaruntooda magaalada Jowhar maanta ku yeeshay  Kalfadhiga 1aad kulankiisi  15-aad , ayaa ka dooday xeer hoosaadka Baarlamaanka Hirshabeelle .

Kulanka oo uu shir gudoominayay  Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamanka ahna Gudoomiye kuxigeenka 1aad Mudane Siraaji Sheikh Isxaaq ayaa Ajendahiihu ahaa Sii Wadida Akhrinta Xeer Hoosadka Baarlamanka.

Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka HirshabeelleMudane Abdiwahid Mohamed Hussein (Wadaariyad) ayaa furitaanka kulanka xildhibaanada u Akhriayey  dhamaan cutubyada Xeer Hoosadka Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle.

Xildhibaanada ayaa soo jeediyey in Xeer Hoosadka lagu dhaqmo si shaqada Baarlamanka u noqoto mid hufan oo si habsi leh.

Ugu dambeyn Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamanka ahna Gudoomiye kuxigeenka 1aad Mudane Siraaji Sheikh Isxaaq ayaa soo xiray Fadhiga isagoo xildhibaanada ku wargeliyey in akhrinta Xeer Hoosadka ay soo gabo gabowday.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this