Deeq A. Posted January 9, 2021 Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa amar ku bixiyay in xabsiga la dhigo Ganacsade kasta oo diiddan socod-siinta Lacagta Shilin Soomaaliga ah, islamarkaana sharciga la hor-geeyo. Saraakiil ka tirsan Booliiska Gobolka Bari, oo diiday in magacyadooda la xigto, waxay Puntland Post u sheegeen in Taliye Xuseen Cali Maxamuud uu amar ku bixiyay in la xir-xiro Ganacsatad diiddan Shilin Soomaaliga, si sharciga loo mariyo. Cutubyo kala duwan oo ka tirsan Laamaha Amniga Puntland, ayaa lagu fasaxay gudaha magaalada Boosaaso, kuwaas oo doonaya in ay qabtaan cid kasta oo diiddan socod-siinta Shilin Soomaaliga gaar ahaanna Ganacsatada. Tallaabadan ayaa ku soo beegmatay, xilli qaar kamid ah magaalooyinka Puntland laga diiday Lacagta Shilinka, kadib markii Ganacsatadu sheegtay in Bankiga dhexe ee Puntland uu socod-siin waayay Lacagta. View the full article Share this post Link to post Share on other sites