Sign in to follow this  
Deeq A.

Weeraryahanka  Faransiiska Karim Benzema oo wajihi doona kiis maxkamadeed oo la xidhiidha  muuqaal anshax xumo ah ku handaday ciyaartoy kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Weeraryahanka  Faransiiska Karim Benzema oo wajihi doona kiis maxkamadeed oo la xidhiidha muuqaal anshax xumo ah ku handaday ciyaartoy kale

.

Weerar yahanka gool dhaliyaha ah ee kooxda Real Madrid, horayna ugu ciyaari jiray xulka qaranka Faransiiska, Karim Benzema, ayaa wajihi doona kiis maxkamadeed oo la xiriira eedeyn loogu jeediyay inuu ku lug leeyahay isku day lagu ceebeyn rabay ciyaartoy kale oo ay isku qaran ahaayeen.

Ciyaartoyga la sheegay in uu dhibbanaha yahay ayaa loogu hanjabay in laga faafin doono muuqaal anshax xumo ah oo laga hayo haddii uu bixin waayo lacag.

Karim Bemzema ayaa loo heystaa in uu sanadkii 2015-kii dad laaluush ku siiyay si ay lacag khasab ah uga qaadaan ciyaartoyga lagu magacaabo Mathieu Valbuena, iyagoo ugu gooddinaya in ay muuqaalka shaacin doonaan haddii uu dalabkooda aqbali waayo.

33 jirkan u dhashay Faransiiska ee dacwadda lagu soo oogay ayaa dhankiisa ku dooday in qudhiisu yahay dhibbane oo arrintan uu si aan daacadnimo ahayn usoo dhex galiyay askari ka tirsan booliska.

Benzema ayaa xulka qaranka Faransiiska laga saaray tan iyo markii uu warkan soo shaac baxay.

.

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Uma suuragalin Benzema in uu waddankiisa uga ciyaaro tartankii koobkii Adduunka ee 2018-kii, inkastoo uu markaas ka mid ahaa weeraryahannada ugu ciyaarta fiian caalamka, sababtuna waxay ahayd in sumcaddiisa ay ku waxyeellowday arrinta lagu eedeeyay.

Dacwad oogeyaasha Faransiiska ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in Karim Benzema maxkamad lasoo taagi doono, sida ay tabisay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.

Sidoo kale, AFP waxay soo xigatay qareenka u doodaya Benzema, Sylvain Cormier, oo sheegay in aysan lama filaan ku noqonin in arrintu ay gaarto heer maxkamadeed, laakiin xaaladdaas ay ahayd “mid lasii saadaalin karay”.

Matteo Valbuena waxay isku qaran ka ciyaari jireen Karim Bezema

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,Matteo Valbuena waxay isku qaran ka ciyaari jireen Karim Bezema

Benzema ayaa kooxda Real Madrid ee ka dhisan dalka Spain u dhaliyay 261 gool tan iyo markii uu ku biiray sanadkii 2009-kii.

Isaga iyo Valbuena waxay ka wada tirsanaayeen kooxda qaranka Faransiiska xilliga ay arrinta lagu eedeynayo soo baxeysay. Labadooduba waxay Faransiiska ku matalayeen tartankii koobka Adduunka ee sanadkii 2014-kii lagu qabtay waddanka Brazil.

Valbuena, oo hadda 36 jir ah, wuxuu xilligaas u ciyaarayay kooxda Lyon, laakiin hadda wuxuu ka tirsan yahay kooxda Olympiakos ee ka dhisan waddanka Giriigga.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this