Sign in to follow this  
Deeq A.

Breaking News-Xog- Kulankii Villa Soomaaliya Afarta Madaxweyne oo isku raacay Doorasho ay ka maqan yihiin Puntland iyo qayb Jubbaland ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar hoose oo laga helayo kulankii uu Galabta Madaxweyne Farmaajo la yeeshay Madaxweynayaasha Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayay si cad ugu heshiiyeen in ay qabtaan Doorasho ay Puntland ka maqan tahay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Sadexda Madaxweyne u dheegay in uu gacanta ku hayo Xildhibaanada labada Aqal ee Gobolka Gedo idla markaasna uu ku Howlaha yahay Xildhibaanada Beelaha Puntland dega qaarkood.

Xogtaan oo aan ka helnay ilo wargal ah waxay hoosta ka xariiqaysaa in Villa Soomaaliya ay Diyaar u yihiin Doorasho aan loo dhamayn inay qabtaan iyagoo dhagaha ka furaysanaya Qaylo dhaanta kasoo yeeraysa Musharixiinta u tartamaya Madaxweynaha.

Talabaadaan uu Madaxweynuhu qaadey ayaa waxaa horay dhowr jeer uga digay Labada Madaxweyne hore Xasan Sheikh iyo Shariif Sheikh, Laakiin talooyinkaas Madaxweynuhu wuu baal maray, halka Masuuliyiinta Dalka hada la hogaaminaysa Madaxweyne Farmaajo ay iyana u arkaan Xalkaan kan kaliya oo Dalku Doorasho ku gali karo.

Madaxweyne Laftagareen iyo Mdaxweyne Guudlaawe waa laba Masuul oo aad daacad ugu ah Madaxweyne Farmaajo halka Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor uu isku dayo inuu qabsado daacadnimada uu u hayo Madaxweyne Farmaajo, Taasina waxay Madaxweyne Farmaajo u sahashay inuu ku dhawaaqo go’aankaan ay caawa wada qaateen.

Puntlandi.com Muqdisho

The post Breaking News-Xog- Kulankii Villa Soomaaliya Afarta Madaxweyne oo isku raacay Doorasho ay ka maqan yihiin Puntland iyo qayb Jubbaland ah appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this