Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shir lagu heshiisiinayey laba ka mid ah beelaha Abgaal oo lasoo geba-gebeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ayaa xalay lagu soo gaba-gabeeyay Shirka Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta beelaha Cabdalle Caroone iyo Celi Cumar, oo wada dega Degmada Cadale oo maalmihii u dambeeyay ka socotay magaaladaas.

Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Hussein ayaa goobjoog ka ahaa heshiiskaas, waxaana ka qeyb-galay gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka ahna ku-simaha Gudoomiyaha, Siraaji Sheikh Isxaaq.

Sidoo kale waxa heshiiskaas taariikhiga ah qeyb ka ahaa Xubnaha Labada Gole ee Hirshabelle, Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Nabadoonada iyo Waxgaradka labada beelood, Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada iyo Mas’uuliyiin kale.

Cali Guudlaawe oo hadal ka jeediyay munaasibada heshiiskaas ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiskan, maadama uu xusay inuu ugu horeyntii uu fidiyay gogasha labada beelood ay ku gaareen is-afgaradka nabadeed.

“Gogoshaan oo aan fidiyay caawana aan goobjoog u ahaa Heshiiskan Taariikhiga ah ee saxiixdeen laga gaaray Nabadeynta Beelaha Walaalaha ah ee wada dega Degmada Cadale waa ii farxad waxaana marwalba ka shaqeyn doonaa oo aan horey u sii wadayaa dib u Heshiisiinta Bulshada aan hogaamiyo Insha Allah” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Beelaha heshiiska kala saxiixday ayaa muddo dheer ka dhex aloosneyd colaad ka jirtay degmd Cadale ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo deegaano ku dhow-dhow.

Waxa uu heshiiskan meesha ka saari doona dagaalo inta badan dhex mari jiray beelahaas, kuwaasi oo hore u sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac baaxad leh.

Deegaanada hoostaga Shabeelaha Hoose ayaa inta badan waxa ka dhaca dilal aanooyin qabiil ah oo muddo soo jiitamayay, waxaana lagu wadaa in heshiiskan uu arrintaas meesha ka saaro.

136747664_159128059340577_80511286387145 136379351_159126306007419_72782863422899 136345298_159126546007395_47408189364571 136349065_159126566007393_79797503643942 137210389_159127042674012_85624813360270 137223577_159127882673928_40613531970587 136345288_159127609340622_58199834307662 136360338_159126919340691_70139994713651 136787456_159127539340629_91488235277175 136144271_159126869340696_35591386575764 136651348_159127332673983_45273988436181

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this