Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Itoobiya oo soo bandhigtay Liiska Saraakiil sarsare oo ka tirsan TPLF oo la dilay+Qaar la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawlada Itoobiya oo soo bandhigtay Liiska   Saraakiil sarsare oo ka tirsan TPLF oo la dilay+Qaar la qabtay

 tigray-1.jpg

Dowlada Itoobiya ayaa shaacisay inay ka takhalustay afar ka mid ah saraakiisha sare ee TPLF isla markaana ay gacanta ku dhigtay xubno sar sare.

Madaxa howlgalada ciidanka Itoobiya Birg.Gen. Tesfaye Aylew ayaa sheegay saraakiisha la dilay ay kala yihiin; Seko Ture oo ka mid ah afhayeenada TPLF, Getachew, Zeray Asgedom, Abebe Gebremedhin iyo Daniel Assefa.

Sidoo kale xubnaha la soo qabtay ee la xidhay ayaa kala ah:-

Teklewoini Assefa
Dr Solomon Kidane
Gebremedhin Tewolde
Woldegiorgis Desta
Ambassador Abadi Zemo
Kidusan Nega
Tedros Hagos
Mihret Teklay
Abrham Adem Mohammed

Madaxa howlgalada ciidanka Itoobiya wuxuu sheegay in talaabadan ay ka dambeysay howlgal ciidamadu ka fuliyeen degaan uusan magacaabin oo ka tirsan gobolka Tigray, halkaasoo buu yidhi ay ku dhuumanayeen xubnaha la dilay iyo kuwa la soo xidhay.

Birg.Gen. Tesfaye Aylew ayaa intaas ku daray iney ku raad joogaan madaxda dhiman ee TPLF ayna soo qaban doonaan meel kasta oo ay galaan si buu yidhi sharciga loo horkeeno.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this