Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo Oo Koobka Iyo Biladaha Kaalamaha Kowaad Iyo Labaad Gudoonsiiyay Ciyaartooyda Gobolka Banaadir Iyo Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Munaasabadda Xiritaanka Tartanka Kubadda Cagta ee Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sheegay in tartankan uu kor u qaaday is-dhexgalka, walalnimada iyo midnimada dhallinyarada Soomaaliyeed.

136466064_3671810939570024_6178040295396

Madaxweynaha ayaa xusay ahmiyadda ciyaaruhu ay u leeyihiin nabadda, xasilloonidda iyo horumarka dalkeenna, waxa uuna tilmaamay sida ay muhiimka ugu yihiin la dagaallanka xagjirnimada iyo maandooriyaha, joojinta Tahriibka iyo qabyaaladda.

Sequence-207.00_00_25_09.Still004-1024x7

“Dowladdu si ay u hirgeliso Qorsheyaasha Qaran ee horumarinta ciyaaraha waa in qeybaha kala duwan ee bulshada ay doorkooda ka qaataan. Xukuumadda waxaan ku adkeynayaa in ay xoojiso isdhexgalka bulshada, taas oo ay ugu horreeyaan ciyaaraha Kubadda Cagta”.

136670523_3671810539570064_4450904898293

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Wasaaradaha Ciyaaraha Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, Ciidamada Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, dadaalkii ay ku bixiyeen qabsoomidda Tartankan ka turjumaya hor u socodka dalkeenna.

136385540_3671809999570118_8080570874248

“Waxaa muuqata rajo ku aaddan in aan dib u soo ceshan karno maqaamkii iyo heerkii aan ka joognay ciyaaraha heer Gobol iyo her qaaradeedba, taasna waxaa caddeyn inoo ku filan ciyaartooyda dhallinyarda ah ee inta Koobku uu socday soo bandhigay farsamada, dabeecad wanaagga iyo xirfadda sare”.

Screenshot-2020-12-28-at-09.15.47-1024x6

Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyay dhammaan Kooxihii ka soo qeyb galay tartanka, iyada oo billado la guddoonsiiyey Xulka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir oo qaaday Koobka iyo Xulka Galmudug oo xaqiijiyey kaalinta labaad.

136350977_3671811622903289_4642765950991

Munaasabadda Xiritaanka Tartanka Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir waxa ka soo qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed iyo masuuliyiin ka socday Goleyaasha Dowladda.

136380550_3671811146236670_6645889935176

Daawo Warbixin Ku Saabsan Xafaladii Xeritaanka Tartanka

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this