Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug: Al-shabaab oo la wareegtay degaan ka tirsan Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab, ayaa xalay la wareegay tuulada Cimaamad, oo qiyaastii 15km u jirta degaanka Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay, in Al-shabaab xalay la wareegtay tuulada Cimaamad, kadib iska hor-imaad kooban oo dhexmaray iyaga iyo shacabka degaankaas.

Weli lama soo werin, wax khasaare ah oo ka dhashay iska hor-imaadka xalay dhexmaray Al-shabaab iyo dadka ku dhaqan tuulada Cimaamad, halkaas oo kooxdu la wareegtay.

Dadka ku nool tuulada Cimaamad, ayaa la sheegay in ay hore u diideen  fulinta amar kaga yimid Al-shabaab, oo la xiriiray in ay bixiyaan Xoolo Sakawaad ah.

PUNTLAND POST

The post Galmudug: Al-shabaab oo la wareegtay degaan ka tirsan Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this