Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shir dib u heshiisiin ah oo lagu soo gabagabeeyey M/Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Hussein ayaa xalay soo gunaanadayay Shirka Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Beelo Walaalo ah oo wada dega Degmada Cadale oo lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/ Dhexe.

Munaasabadda oo aheyd mid ballaaran ayaa waxaa ka qeybgalay Gudoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka ahna ku-simaha Gudoomiyaha Siraaji Sheikh Isxaaq, Xubnaha Labada Gole ee Hirshabelle, Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Nabadoonada, Waxgaradka labada beelood, Ururada Haweenka, Dhalinyarada iyo Masuuliyiin kale.

Sidoo kale madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa goobjoog u ahaa Heshiiska ay kala saxiixdeen Beelaha Cabdalle Caroone iyo Celi Cumar.

“Gogoshaan oo aan fidiyay caawana aan goobjoog u ahaa Heshiiskan Taariikhiga ah ee saxiixdeen laga gaaray Nabadeynta Beelaha Walaalaha ah ee wada dega Degmada Cadale waa ii farxad waxaana marwalba ka shaqeyn doonaa oo aan horey u sii wadayaa dib u Heshiisiinta Bulshada aan hogaamiyo Insha Allah” ayuu yiri Cali Guudlaawe oo labada beelood kula dardaarmay iney si daacadnimo ah u fuliyaan heshiiska, nabadna ku soo dabaalaan degaanadii lagu dagaalamay.

Beelahan ayey colaadoodu muddo dheer ka jirtay degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe iyo deegaanada ku dhow, waxaana marar badan dhexmaray dagaalo ay dad badan ku dhinteen, iyadoo colaada ka dhexeysay ay sabab u aheyd dilal aanooyin qabiil oo muddo badan sii jiitamayey.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

FB_IMG_1610089427909 FB_IMG_1610089416556 FB_IMG_1610089440621

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this