Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo shaaciyey inuu duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Mareykanka ee Africom ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey duqeyn ay diyaaradahoodu ka fuliyeen agagaarka deeegaanka Saaxa-weyne ee gobolka Baay, Khamiistii shalay oo ay ku beegneyd 7 bishaan Janaayo sanadka 2021-ka.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ah lagu dilay ugu yaraan 5 xubnood oo uu ku jiro sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

“Duqeyntan waxaa lala beegsaday hoggaamiyeyaal caan ah oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo fududeeyay maaliyadda, hubka, dagaalyahannada, iyo waxyaabaha qarxa” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska.

Sidoo kale ayaa intaasi kusii daray “Mid ayaa looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa weerar hore oo ka dhan ahaa ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya,”.

Mareykanka ayaa muddooyinkii u dambeeyey kordhiyey howl-gallada ka dhanka ah Xarakadq Al-Shabaab ee uu ka fuliyo koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this