Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaad ka taqaannaa ninka cusub ee noqday Qofka ugu taajirsan Adduunka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxaad ka taqaannaa ninka cusub ee noqday Qofka ugu taajirsan Adduunka?

Elon Musk

Elon Musk ayaa noqday qofka ugu maalqabeensan caalamka kaddib markii ay hantidiisu gaartay $185 bilyan oo doolar, oo u dhiganta £136 bilyan oo gini.

Ganacsadahan, oo iska leh shirkadda gawaarida korontada ku shaqeeya soo saarta ee Tesla iyo shirkadda SpaceX oo farsameysa dayax gacmeedyada, ayaa darajada taajirnimada ee ugu sarreysa caalamka galay kaddib markii maanta oo Khamiis ah ay shirkaddiisa Tesla kordhisay qiimaha saamiyada ay iibineyso.

Wuxuu booska ugu sarreeya ee taajirnimada ka saaray milkiilaha suuqa online-ka ee Amazon, Jeff Bezos, kaasoo caalamka maalqabeennimada ku hoggaaminayay ilaa sanadkii 2017-kii.

Shirkadda gawaarida korintada sameysa ee Mr Musk, Tesla, ayaa qiime aad u sarreeya yeelatay sanadkan, wuxuuna qiimaheeda suuqa gaaray $700 oo bilyan oo doolar (£516bn) markii ugu horreysay maalintii Arbacada ee shalay.

Arrintaas waxay shirkaddiisa ka dhigeysaa mid kaligeed ka qaalisan marka la isku wada daro qiimaha shirkadaha baabuurta soo saara ee Toyota, Volkswagen, Hyundai, GM iyo Ford.

Mr Musk ayaa warkan markii lagu dhawaaqay si cajiib ah uga fal celiyay, isagoo qolaal uga hadlay qof Twitter-ka ku soo bandhigay warkaas, wuxuuna yidhi: “waa arrin layaab leh”.

Elon Musk

Hantida maalqabeenkan waxaa sare u sii qaaday siyaasadda Mareykanka, halkaasoo xisbiga Dimuqraaddigu ay dhawaan kula wareegi doonaan maamulka Aqalka sare ee Senate-ka.

Daniel Ives, oo ah nin wax falanqeeya ayaa qoray: “In Senate-ka ay awooddiisa la wareegeen waxay dan ugu jirtaa shirkadaha soo saara gawaarida korontada ku shaqeeya, haddana fikradaha shirkadaha noocaas ah waxay ku guuleysan doonaan sannadaha soo socda.”

Faa’iidooyinka kasoo xarooda canshuurta laga qaado gawaarida korontada ku shaqeeya ayaa sii badin doona dhaqaalaha Tesla, “oo haddaba saameyn weyn ku leh dhaqdhaqaaqa suuqyada”, sida uu sheegay Mr Ives.

Mr Bezos ayaa sidoo kale dhaqaale badan ka faa’iiday xayiraadihii fayraska Corona, maadaama ay shirkaddiisa Amazon ee internet-ka wax ku iibisa lacago badan kasoo xareysay dadka iyagoo guryahooda jooga wax iibsanaya.

Hase yeeshee 4% ka mid ah ganacsigiisa ayuu siiyay xaaskiisii hore, MacKenzie Scott, kaddib markii ay kala tageen, taasoo Mr Musk ka caawisay in uu kala wareego booska taajirnimada.

Hantidiisu waxay korontay xilligii uu corona jiray

Elon Musk
Elon Musk

Intii lagu jiray sanadkii dhammaaday ee 2020-kii, lacag dhan $140 bilyan oo doolar ayaa ku darsantay hantida Elon Musk. Sida ay shaacisay warbaahinta Bloomberg, dhaqaalaha uu maalqabeenkan heysto wuxuu Maalintii Isniinta ee lasoo dhaafay ahaa $167 bilyan oo doolar.

Lacagtan waxay Elon Musk inuu dhowr darajo kor ugu kaco liiska bilyaneerrada ugu hantida badan caalamka. Bishii November wuxuu ka sare maray Bill Gates, isagoo sidaas ku noqday qofka labaad ee ugu taajirsan adduunka.

Sida uu xusay wargeyska qiimeeya dhaqaalaha ay dadka sameeyaan ee Forbes, wuxuu Musk noqday qofkii hantida ugu badan sameeyay hal sano gudaheed, intii uu wargeyskaas waday qiimeynta.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this