Sign in to follow this  
Deeq A.

SAWIRRO: Maxaa xalay ka dhacay VILLA SOMALIA?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ka qeyb galay Munaasabadda Xiritaanka Tartanka Kubadda Cagta ee Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, isaga oo sheegay in tartankan uu kor u qaaday is-dhexgalka, walalnimada iyo midnimada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay ahmiyadda ciyaaruhu ay u leeyihiin nabadda, xasilloonidda iyo horumarka dalkeenna, waxa uuna tilmaamay sida ay muhiimka ugu yihiin la dagaallanka xagjirnimada iyo maandooriyaha, joojinta Tahriibka iyo qabyaaladda.

“Dowladdu si ay u hirgeliso Qorsheyaasha Qaran ee horumarinta ciyaaraha waa in qeybaha kala duwan ee bulshada ay doorkooda ka qaataan. Xukuumadda waxaan ku adkeynayaa in ay xoojiso isdhexgalka bulshada, taas oo ay ugu horreeyaan ciyaaraha Kubadda Cagta”.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradaha Ciyaaraha Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, Ciidamada Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, dadaalkii ay ku bixiyeen qabsoomidda Tartankan ka turjumaya hor u socodka dalkeenna.

“Waxaa muuqata rajo ku aaddan in aan dib u soo ceshan karno maqaamkii iyo heerkii aan ka joognay ciyaaraha heer Gobol iyo her qaaradeedba, taasna waxaa caddeyn inoo ku filan ciyaartooyda dhallinyarda ah ee inta Koobku uu socday soo bandhigay farsamada, dabeecad wanaagga iyo xirfadda sare”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyay dhammaan Kooxihii ka soo qeyb galay tartanka, iyada oo billado la guddoonsiiyey Xulka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir oo qaaday Koobka iyo Xulka Galmudug oo xaqiijiyey kaalinta labaad.

Munaasabadda Xiritaanka Tartanka Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir waxa ka soo qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed iyo masuuliyiin ka socday Goleyaasha Dowladda.

136387098_3671811609569957_2291767853232 136380550_3671811146236670_6645889935176 136351927_3671810866236698_3980641757755 136352635_3671812199569898_5903323550425 136369164_3671811979569920_3506151191732 136398170_3671812442903207_1118077748588 136350993_3671812742903177_5361207493706 136437901_3671810652903386_9241350202202 136466064_3671810939570024_6178040295396 Farmaajo-1.jpg 136735873_3671812159569902_8697010482271 Mursal.jpg Rooble-3.jpg Xulka-gobolka-Banaadir.jpg Cumar-Filish.jpg 136952996_3671810522903399_6334879456434 137279864_3671810529570065_3586505349626

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this