Sign in to follow this  
Deeq A.

Faalo … Lacag i siiya aan idin xukumee

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa weydiistay Ummadda Soomaaliyeed taageero Dhaqaale oo u ku galo tartanka Madaxweynimada Waddanka Soomaaliya oo dhawaan la filayo in la qabto.

Waddanka Soomaaliya ma waxaa la doonayaa in lagu dhaqo Siyaasad laga soo maanguuriyey waddamo kale dhaqankooda qalloocan.

Xildoon Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu doonayaa inuu ku faano inuu yahay ninkii ugu horreeyey ee Soomaali ah oo ku indha adkaada inuu Ummadda Soomaaliyeed ku yiraahdo „ Isiiya Dhaqaale aan Laaluush u bixiyo, dabadeena aan ku hanto Xilka Madaxweynanimo ee Soomaaliya.

Su’aasha waxay tahay waa kuwee Dadweynaha Soomaaliyeed ee haysta Dhaqaalaha?

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu soo maray xil Wasiirnimo iyo inuu ahaa Xildhibaan. Inta uu hayey Xilalkaas wuxuu u qabtay Ummadda Soomaaliyeed ma jirto, aan ka ahayn dad fara ku tiris ah, waliba isagoo arkayey inay u baahnaayeen Ummadda Soomaaliyeed in loo naxariisto oo wax la siiyo ay ku noolaadaa.

Ragga Xoolaha tirada badan ka sameeyey Burburkii Soomaaliya waa kuwa maanta leh Shirkada Teleefoonada, Diyaaradaha, Xawaaladdaha iyo waliba Ragga xoogga ku haysta Dugsiyadii iyo Jaamacaddihii Xamar ee Ummadda Soomaaliyeed ka wada dhaxeeyey. 

Raggaan waa kuwa aan doonayn in waddanka Soomaaliya helo Dowlad wanaagsan iyo kala dambeyn. Waxayna Dhaqaalahaas Xaaraanta laga sameeyey siiyaan Ragga Xildoonka ah sida Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kana sugayaan inuu u fuliyo Danahooda ah inaan lala Xisaabtamin. 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ma wuxuu si dadban ula hadlayaa Raggaas Xoolihii Ummadda Soomaaliyeed dhacay, oo uu ku magacaabayaa inay yihiin Ummaddii Soomaaliyeed. 

Lacag aan Xil ku doonto i sii, micnaheedu waxaa weeye igu shubo Lacag, dabadeedna aan Amarkaaga ku fuliyee. Khiyaanadaan waxaa ku dhaqma Waddamada Reer Galbeedka, oo Madaxweyne walba markuu doonayo inuu xil doonto ayaa Lacago badan ay siiyaan Shirkadaha Rayadka leeyihiin. Lacagahaas Waxaa lagu magacaabaa „Taageero“, balse waa „Laaluush“ si uu u fuliyo Danahooda marka uu guulaysto.

Xildoon oranaya halaysiiyo Lacag aan Laaluush ku siiyo Xildhibaanada dooranya Madaxweynaha, waa mucjiso hor leh oo ku soo siyaaday Soomaaliya. Inaan la qarsan waxaan ahay Laaluush qaate.

Meeday Sharaftii iyo Isla weynidii Awooweyaasheenii Soomaaliyeed ku faani jireen.

Soomaaliya waxaa la haray:- Xildoon Madaxweyne oo aan xishooneyn- Xildoon Xildhibaan oo aan xishooneyn- iyo Rag sheegta inay leeyihiin Shirkado Rayad ah oo bixinaya Lacagaha Xildoonada Laaluushka u bixinayaan.

Soomaaliya ma waxay Hoy u noqotay Laaluush Bixiye iyo Qaate?

Qore: Xishoode

The post Faalo … Lacag i siiya aan idin xukumee appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this