Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin ka tirsan DF iyo Galmudug oo kulan yeeshay + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaraddaha Caafimaadka Federaalka iyo Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ku yeeshay kulan ku saabsan xoojinta xiriirka  labada Wasaaradood iyo dardar galinta Shaqooyinka socda ee la xiriira adeegyada caafimaad, dhamaan xarumaha Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Kulankan oo ay ka qayb galeen xubnno Sare oo ka socdey hey’adda Caafimaadka  aduunka ee WHO, waxaa Wasaaradda Caafimaadka Federaalka ku matalayay Mas’uuliyiin ay hoggaaminaysay Madaxa Waaxda HIV- ee Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Federaalka Soomaaliya  Sacdiya Cabdisamad Kulankan ayaa intii uu socday lagu gorfeeyay nuxurka Shaqooyinka socda iyo guulaha laga gaarey, goobaha adeegyada caafimaad ay ka socdaan ee warbixinadooda lagu wadaagey Kulankan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulahi Jaamac oo shir Guddoominayay kulankan ayaa bogaadiyay isku xirka iyo xog Wadaagga ka dhexeeya labada Wasaaradood, isagoo muujiyay in Kulanka uu ka dambeeyay heshiis dhowaan Muqdisho ay ku gaareen Wasaaraddaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo tan Federaalka.

Halkan hoose ka daawo sawriirada:

2d88da2a-6e36-416d-a231-6239c7cf2d18 4d7d0f62-35a3-4f81-b5ae-606c6913a9de 7f6a1a32-2e23-4570-93b4-012e12b396c5 (1) 7f6a1a32-2e23-4570-93b4-012e12b396c5 57d86b0a-8637-4868-bef8-93e84e554f7b

1d01ccd4-a5dc-4f6e-91fe-8c66a0faf7f8.jpg2d88da2a-6e36-416d-a231-6239c7cf2d18.jpg2efa962f-e3c6-4b63-8115-8704d557c9fc.jpg4d7d0f62-35a3-4f81-b5ae-606c6913a9de.jpg6cd6323a-e808-45a3-877e-13830d01c002.jpg7f6a1a32-2e23-4570-93b4-012e12b396c5.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this