Deeq A. Posted January 7, 2021 Labada Aqal ee Golaha Congress-ka wadanka Mareykanka ayaa ugu dambeyn maanta ansixiyey doorashadii dhowaan ka dhacday dalkaasi ee uu ku soo baxeen madaxweyne Joe Biden iyo ku xigeenkiisa Kamala Harris. Mike Pence madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa guddoomiyey kulankan oo go’aan kama dambeys ah looga gaaray doorashada, isaga oo shaaciyey natiijada meel-marinta. Meel-marintan ayaa soo gaba-gabeysay doodii dheereyd ee maalmahan ka taagneyd doorashada Mareykanka ee u dhexeysa Trump & Biden. Sidoo kale inta ay socotay munaasabadda meel-marinta oo ay hareeyeen qalalaase xoogan ayaa qaadatay muddo ka badan 15 saacadood, iyada oo ugu dambeyn Golaha Congress-ka uu ansixiyey doorashada Joe Biden oo helay 306 cod, halka Trump uu helay 232 cod ergada codadka dhiibatay. PUNTLAND POST The post Congress-ka Mareykanka oo ansixiyay doorashadii Joe Biden appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites