Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Bulaacad Casri ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray dhismaha Bulaacad Casri ah oo uu maamulka gobolka Banaadir ka hirgaliyay inta isku xirta isgooska Km4 ilaa dekada Qalalan ee magaalada Muqdisho waxaana xarig jarka goob joog ka ahaa gudoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir mudane Faarax Cabdi Diini.

Fulinta mashruucan oo ay baahi u weyn u qabeen bulshada Caadimadda ayaa qeyb muhiim ah ka qaadan doonto xal u helida saameenta uu roobka u geesto bilicda iyo isku socodka magaalada.

Duqa magaalada iyo mas’uuliyiinta kale ayaa sidoo kale kormeeray wajiga sadaxaad oo uu maamulka gobolka Banaadir ku doonayo in uu ku dhameestiro xal u helida biyamareenkan si roobabka da’aya uusan u wax yeeleynin wadooyinka magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Bulaacad 136029366_2784286665143408_405792831592519247_n 136647491_2784286415143433_8605906383263375688_n 136701994_2784286375143437_4891964298971166500_n 136703399_2784286465143428_6484190090525906645_n 136950955_2784286755143399_6296249056152657415_n 137029737_2784286845143390_1541895641455463639_n 137279918_2784287098476698_2091819280009328907_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this