Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Macdanta ee Somaliland, Somaliya iyo Shirkadaha Sahaminta Macdanta ayaa u muuqada in ay soo afjarayaan howlihii saami iibinta ee Kheyraadka dalka Somaliland iyo Somaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

Jaafaa-225x300.jpg
Wasiirka Macdanta ee Somaliland, Somaliya iyo Shirkadaha Sahaminta Macdanta ayaa u muuqada in ay soo afjarayaan howlihii saami iibinta ee Kheyraadka dalka Somaliland iyo Somaliya.

Waxaa aad sare uga kacay suuqyada ganacsiga caalamka gaar ahaan dalka Turkiga iyo Koonfur Afrika (+10.33%) samiyadda shirkaddaha yaryar ee Sahaminta Macdanaha iyo Kheyraadka dabiiciga ah.

Sida ku cad boggaga internetka ee Shirkadahaas, waxay shirkaddahani ka shaqeeyaan iibinta macluumaadka macdanta, saliidda iyo gaaska ee ay ka ururiyaan badda iyo bariga , iyagoo oo dhinaca kalena Shirkadahani ka sii iibiyaan Shirkado kale heshiisyada ay la galeen Xukuumada Somaliland iyo Somaliya, kuwaasoo Bilyan doolars ku sii iibiya, Liisamada caddaymaha ah ee Xukuumada la galeen lana xidhiidha meelaha ay ka haystaan macluumaadka xogaha Macdanta iyo Kheyraadka dabiiciga ah.
Waxan halkan ku cadeynayaa in heshiisyada dowladda Soomaaliland it iyo Somaiya la gashay shirkadahan shisheeye ay yihiin heshiisyo sharci darro ah, lana sii kala iibinayo saamiyo oo khiyaamo badana ku jirto, sidoo kalena aan lagala tashan golaha baarlamaanka Somaliland iyo Somaliya.

Waxan ugu baaqayaa in Wasiirada Macdanta iyo shirkadahaas ay joojiyaan dhaqdhaqaaqyada iyo safarada ganacsi ee ay wadaan, inta ay ka cadeynayaan in heshiiskoodu yahay mid sharci ah iyo mid aan sharci ahayn.

Prof. Mohamed Ahmed Farah (Jaafaa)
Kristiansand. Norwey

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this