Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen R/wasaare Rooble & CC Shakuur?

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka wada hadlay qabsoomidda doorasho daahfuran oo si nabdoon ku dhacda, xallinta tabashooyinka la xiriira arrimaha doorashada iyo in dhammaan dhinacyada siyaasadda oo dhami xil iska saaraan xasilloonida dalka, kana fogaadaan hadal ama ficil kasta oo niyad jab ku ah shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale xaqiijiyay sida uu diyaar ugu yahay in uu la fariisto dhammaan siyaasiyiinta iyo daneeyeyaasha doorasha dalka, si uu uga dhageysto talooyinkooda, loona sii ambaqaado qabsoomidda doorasho loo dhanyahay.
Halkan hoose ka daawo sawirada:-
135468165_2890125614551887_1540673244968 135645238_2890125641218551_1755717146599 135782210_2890125744551874_8486705625011 136112779_2890125707885211_1145403929479 136146436_2890125667885215_7275356194349 136353708_2890125691218546_2673335635826

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this