Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax saaka ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay wadada Cabdiqaasim, gaar ahaan dhismaha ay dhowaan ka guurtay safaaradda Qatar.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta, xilli ay marayeen halkaasi.

Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyada oo ay dhaawacmeen 5 kale oo askar u badan, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Xaaladda ayaa hadda aad u kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo kale oo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

IMG-20210107-WA0001 IMG-20210107-WA0000

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this