Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kulan gaar ah yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   
Rooble-wadajir.jpg?resize=1000%2C666&ssl

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa  xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka wada hadlay qabsoomidda doorasho daahfuran oo si nabdoon ku dhacda, xallinta tabashooyinka la xiriira arrimaha doorashada iyo in dhammaan dhinacyada siyaasadda oo dhami xil iska saaraan xasilloonida dalka, kana fogaadaan hadal ama ficil kasta oo niyad jab ku ah shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale xaqiijiyay sida uu diyaar ugu yahay in uu la fariisto dhammaan siyaasiyiinta iyo daneeyeyaasha doorasha dalka, si uu uga dhageysto talooyinkooda, loona sii ambaqaado qabsoomidda doorasho loo dhanyahay.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kulan gaar ah yeeshay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this