Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo daah-furay Ololaha qof iyo Foosto ee dhammaystirka Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16099380075308661.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Ololaha Qof iyo Foosto oo daamur loogu ururinayo dhameystirka Waddada Ceeldaahir-Ceergaabo.

Madasha ayaa lagu ururiyey kumanaan Foosto oo Daamur ah, iyadoo Wasaaradaha Iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda ay ku deeqeen tiradii ugu badneyn ee daamur ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimada ay Puntland u leedahay Waddada Ceeldaahir-Ceergaabo, wuxuu ku dhawaaqay in marka qaaraan ururintu soo dhammaato, ay dowladdu dhameystirayso oo bixinayso wixii soo hara.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoonka Baarlamanka Puntland, Goleyaasha Dowladda, Aqoonyahano, Waxgarad, Ganacsato, Culimo iyo qeybaha kale ee Bulshada.

FB_IMG_16099379810227827-1.jpg?resize=72 FB_IMG_16099379866711567.jpg?resize=720% FB_IMG_16099380162704964.jpg?resize=720% FB_IMG_16099380227423608.jpg?resize=720% FB_IMG_16099383940486186.jpg?resize=720% FB_IMG_16099384006077267.jpg?resize=720% FB_IMG_16099383838291564.jpg?resize=720% FB_IMG_16099384152104918.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Deni oo daah-furay Ololaha qof iyo Foosto ee dhammaystirka Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this