Deeq A. Posted January 6, 2021 Wasiirka wasaaradda amniga dowlad goboleedka Puntland, Cabdisamad Maxamed Galan oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay dilkii loo geystay Allaha u naxariistee marxuumad Nadiiro Faysal Shire oo dhowaan lagu dilay gudaha magaalada Garoowe. Galan ayaa sheegay in Puntland ay bixineyso magta gabadhaasi yar oo u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ku fureen ciidanka maamulkaasi. Warqaddda ka soo baxday xafiiska wasiirka ayaa lagu socod-siiyay wasaaradda Maaliyadda Puntland, iyada oo sidoo kale la ogeysiiyay qoyska marxuumadda. Halkan hoose ka aqriso: View the full article Share this post Link to post Share on other sites