Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda dalalka Khaliijka oo Heshiis cusub gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Al-cula ee dalka Sacuudiga waxaa ku shiray madaxda waddamada Khaliijka, waxaana  markii ugu horreysay muddo 3 sanno ah kaddib kasoo qayb galay Amiirka Qatar Tamiim bin Xamad.

Shirka waxaa kasoo baxay dhowr qodob oo ay ku heshiiyeen wadamada Khaliijka kuwaas oo soo afjaray khilaafaadkii  dhexdooda ka jiray seddexdii sano ee lasoo dhaafay.

Dowladahaan ayaa ku heshiiyay dhowr qodob oo ay ugu muhiimsanyihiin:

1-   Xoojinta iyo iskaashiga military ee ka dhaxeeya waddamada Khaliijka Carabta si loo ilaaliyo amniga waddamadaan iyo gobalka.

2-   Ilaalinta ujeedooyinka sare ee u dhigan golaha iskaashiga waddamada khaliijka iyo sidii looga shaqayn lahaa mideynta dhaqaalaha iyo siyaasadda

3-   Meel marinta aragtidii boqorka Sacuudiga, boqor Salmaan bin C/casiis ee golaha waddamadaan anxixiyay 2015-kii, iyo sidii loo dhamaystiri lahaa  mideynta waaxaha dhaqaalaha, difaaca iyo siyaasadda dibadda.

4-   Dardargelinta Xarunta ka hortagga iyo xakamaynta cudurada iyo ka wada shaqaynta sidii looga hor tegi lahaa cudurka karoona iyo cudurada kale ee safmareenka ah.

5-   Dhamaystiria mideynta suuqa dhaqaalaha ee waddamada khliijka iyo dhisidda shabakad tareen.

6-   Xoojinta nidaamka hufan ee dowladnimada iyo la dagaalanka masuq maasuqa.

7-   Kobcinta kaalinta waddamada khaliijka ay ku leeyihiin gobalka iyo guud ahaan caalamka.

8-   Soo celinta iyo xoojinta xiriirkii walaaltinimo ee ka dhaxeeyay shacuubta waddamada khaliijka

PUNTLAND POST

The post Madaxda dalalka Khaliijka oo Heshiis cusub gaaray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this