Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in ay bixin doonto Magta gabar yar oo Booliisku ku dilay Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
Gallan.jpg?resize=720%2C585&ssl=1Wasiir Cabdisamad Gallan

Alle ha u naxariistee, waxa shalay Garoowe lagu aasay marxuumad Nadiiro Faysal Shire, oo da’deedu ahayd 15-sano jir, taas oo 26-kii December 2020 ku dhimatay Rasaas Booliiska Puntland ku rideen dad muddaharaad ka samaynayay Garoowe.

Maydka gabadha ayaa mudda sagaal maalmood ah ku jiray tallaagad, kadib markii dowladdu caddaalad u samayn wayday Qoska gabadha oo ka soo jeeda Beelaha la hayb-sooco, balse ugu dambayn waxay dowladdu aqbashay in ay bixiso Magta gabadha.

Qoraal ka soo baxay Wasiirka Amniga Cabdisamad Gallan, oo lagu socod-siiyay wasaaradda Maaliyadda Puntland, islamarkaana la ogaysiiyay Qoyska Marxuumadda ,ayaa lagu sheegay in dowladdu bixin doonto Magta gabadhaas yar.

Waxaase xusid mudan, in aan weli laga jawaabin codsiga Qoyska ee ku saabsan in sharciga loo mariyo askartii dilka u gaystay gabadhooda, si ay caddaalad u helaan Qoyska.

two-rotated.jpg?resize=720%2C960&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Puntland oo sheegtay in ay bixin doonto Magta gabar yar oo Booliisku ku dilay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this