Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin Xiso leh:Tuugo Guri jabsatay kaddibna Booliiska ugu yeedhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixin Xiso leh:Tuugo Guri jabsatay kaddibna Booliiska ugu yeedhay

Ring doorbell
Gambaleelka guryaha lagu garaaco ayaa lagu jabsaday qaab burcadnimo ah

Hayadda dambi baarista federaalka Mareykanka ee FBI-da ayaa ka digtay kooxo burcad ah oo jabsada hannaanka uu ku shaqeeyo qalabka kaamirooyinka guryaha kaddibna u yeera booliska iyagoo u sheegaya in ay tuugo halkaas ku jiraan si ay muuqaallo toos ah uga duubtaan weerarrada ciidanka soo gurmada.

Saraakiisha FBI-da ayaa sheegay in burcaddaas ay booliska kala hadlaan qalabka ay jabsadeen.

Muddooyinkan ayey soo bateen dhacdooyinka noocaas ah, iyadoo booliska iyo laamaha gurmadka degdegga ah lagu maadeystay marar badan.

Qolyahan ayey ujeeddadoodu tahay in ay baraha bulshada toos uga baahiyaan muuqaallo ay ka duubayaan laamaha amniga ee ka falcelinaya weerarrada guryaha loo diray lagu qaaday.

FBI-da ayaa falalkan ku tilmaantay kuwo “aad halis ah”.

Saddex sano ka hor ayey booliska toogasho ku dileen nin ku sugnaa gobolka Kansas kaddib markii laga wacay telefoon loogu sheegayay guri ay burcad ku jiraan, balse arrintaasi ay ahayd been abuur.

Waxaa jiray dhacdooyin kale oo noocaas ah balse aysan dhimasho ka imaanin.

Qeylo iyo aflagaaddo

Hayadda FBI-da ayaa sheegtay in dhacdooyinkii ugu dambeeyay ay burcadda u sahlanaadeen kaddib markii dadka dhibaneyaasha ah ay qalabka amniga guryahooda lagu xirayo u adeegsadeen lambarro sir ah oo ay qalab kale horay ugu isticmaali jireen.

Suuqyada sharcidarrada ah ayaa lagu iibiyaa qalab horay loo jabsaday oo mar kale la jabsan karo.

  • .

Burcadda ayaa markaas kaddib raadin kara qalabka lambarrada sirta ah dib loogu isticmaalay si ay howshooda u fuliyaan.

Waxaa lasoo tabiyay warar kale oo ku saabsan in la jabsaday qaabka ay u shaqeeyaan gambaleellada guryaha lagu garaaco, taasoo burcadda u fududeysay in ay isticmaali karaan xilliga ay doonaan.

Website-yada iyo app-yada lagu hagaajiyo qalabkaas ayaa keydiya macluumaadka, sidaas darteedna waxaa dib u heli kara burcadda wax ku dhacda dhinaca internet-ka.

“Kuwa weerarrada noocan ah geysta waxay la xiriiraan booliska si ay halkaas u geeyaan,” ayaa lagu yidhi bayaanka kasoo baxay FBI-da.

“Waxay burcaddu daawadaan muuqaallada tooska ah ee howlgalka booliska iyagoo adeegsanaya kaamirooyinkii ay jabsadeen iyo sameecadaha ku xiran. Mararka qaarkood, burcaddu waxay baraha bulshada toos ugu shaaciyaan muuqaalladaas oo ay sii tusaan bulshada.”

Ogeysiiska lasoo saaray kuma saabsana dhacdooyin gaar ah balse waa mid si guud looga digayo shacabka Mareykanka, inkastoo falal noocan ah ay dhaceen isbuucyadii ugu dambeeyay.

Bishii November, warbaahinta NBC ayaa tabisay dhacdo ku saabsan booliska oo weerar ku qaaday guri ku yaalla gobolka Florida kaddib markii laga wacay lambarka gurmadka lagu dalbado ee 911, kaasoo uu u diray nin sheegay in uu dilay xaaskiisa islamarkaasna heysto waxyaabo qarxi kara.

Markii ay boolisku ku lug go’een gurigaas ayna isaga laabteen ayey maqleen qof aflgaaddeynaya iyaga oo codkiisa uu kasoo baxayo gambaleelka guriga qoyskaas ee ku xiran internet-ka.

Fal kale oo isla bishaas ka dhacay gobolka Virginia ayey boolisku ku sheegeen in ay maqleen qof burcadda internet-ka ah oo ku qeylinaya “i caawiya” kaddib markii ay imaadeen guriga qof ay u maleynayeen in uu dil u geystay ruux kale.

Markii ay su’aalo weydiiyeen qofka burcadka ah ayuu u sheegay in uu jabsaday afar kaamiro oo kale uuna dadka online-ka ka daawanaya ka dalban doono qofkiiba $5 si ay u fiirsadaan.

“Markii aan howsheenna dhammeysanno, waan u dhaafi doonaa qalabkiisa, u sheeg in uu baddalo lambarkiisa sirta ah, hana iska dhaafo lambarrada sirta ah ee uu meelaha kala duwan u adeegsanayo,” ayuu yidhi qofkii booliska la hadlayay ee burcadka ahaa.

Fal kale oo noocaas ah ayaa sidoo kale laga soo tabiyay gobolka Georgia, kaasoo isagana booliska lagu aflagaaddeeyay markii waqtigooda la lumiyay kaddib.

Maadaama ay arrimahan soo badanayaan FBI-da ayaa dadka kula talisay in ay qalabkooda amnigiisa aad u adkeeyaan si aysan burcadda internet-ka ugu suuragalin inay la isticmaalaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this