Deeq A. Posted January 5, 2021 Sareeye Guuto Maxamed Nuur Galaal ayaa hadal ka jeediyay shirka wadatashiga beesha Mogadishu Clan ku saabsan tirada beelaha Soomaaliya soddon sano kaddib markuu hoggaaminayay xoogaggii ururkii USC oo dagaalka Xamar ka billaabay 30 Diseembar 1990kii. Wuxuu ku dooday in beeshiisu ugu tirobadan tahay Soomaaliya. Seddex beelood uun buu xusay. Marka la eego habka 4.5 wuxuu ka tagay Digil & Mirifle iyo Beesha Shanaad oo 40% ah marka la dooranayo Madaxweyne Soomaaliyeed. Galaal wuxuu mas’uul ka yahay bililiqadii iyo xasuuqii Muqdisho ka dhacay. Isaga ayaa hoggaaminayay maleeshiyadii Muqdisho u qeybisay aagay. Sarreeye Guuto Galaal wuxuu soddon sano ka hor hoggaaminay dagaalyahannadii USC ku sugnaa Muqdisho. Waxaa isna goobta shirka ka hadlay Sheekh Muudeey Gacal oo ka mid ahaa Golihii Dhexe ee United Somali Congress. Sheekh Muudeey waxaan kula kulmay Nayroobi billowgii Juunyo 1991kii mar uu la kulmayay xubno sarsare oo ka tirsanaa ururkii SSDF. Sheekh Muudeey iyo Galaal isku garab bay ahaayeen oo waxay ka soo horjeedeen Jeneraal Ceydiid. Soddon sano kaddib labada oday waxay ku hadleen magac beel iyagoo weli moog saameynta go’aammadii USC ku yeesheen Muqdisho. Soomaaliya waa dal aan siyaasiyiinta lagula xisaabtamin waxay ay geystaan. Laba oday oo xilal sarsare u hayay urur hubeysan inay maanta magac beeleed ku hadlaan oo farriimmo kulkulul diraan waxay caddaynaysaa in Soomaalidu u nugushahay afwaranleyaal og in aan lala xisaabtami karin. Sheekh Muuddeey Gacal wuxuu ka tirsanaa Golihii Dhexe ee United Somali Congress. Sheekh Abuukar Caddaan wuxuu ka mid yahay dadkii ka digay boobka iyo bililiqada iyo dilalka ururkii USC wax ka qaban waayay 1991kii. Waxaa yaab ah in dad magac beel ku hadlaya aysan wax ka kororsan wixii dhacayay soddon sano ka hor markii taliskii militariga la afgambiyay. Odayaashu ma ka fekereen weli dadka dhibbanayaasha u ah falalkii duudsiinta, macaluusheysiinta iyo barakicinta uu ururkii ay ka tirsanaayeen u geystay Soomaali badan? Ma ka fekereen saameynta ay ku yeelanayaan fursadaha murrashixiinta ka soo jeeda beesha uu shirka wadatashigu ugu qabsoomay Muqdisho? Waxaa habboon in gebi ahaanba la mamnuuco shir beeleedyada siyaasadeed waayo dhowr qof ayaa sheegan kara in ay ku hadlayaan magaca beel. Soomaalidu weli waa ummad qofku dhib uga soo gaari karto heybtiisa beeleed. Waa ayaandarro in rag si uun kaalin ugu lahaa hurinta dagaallo beeleed ay weli siyaasadda kaga jiraan meeshii ay kaga jireen soddon sano ka hor. Axmed D. Cabdalla The post Galaal Oo Raad Arooryo Dib U Qaaday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites