Deeq A. Posted January 5, 2021 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax caawa ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay waddada 21-ka October oo ku taalla degmada Waabari ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaari uu la socday afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo ku socdaalayey wadadaasi, xilliga uu qaraxa dhacayey. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in afhayeenka uu ka bad-baaday qaraxaasi oo ahaa mid aad u xoogan. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, balse waxaa la soo wariyey inay waxyeelo soo gaartay dad rayid ah oo ka agdhowaa halkaasi. Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, waxaana goobta tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites