Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladaha Sacuudiga Iyo Qadar Oo Xuduudaha Isu Furay

Recommended Posts

Deeq A.   

#War Deg Deg … Breaking News

Dowladaha Sacuudiga Iyo Qadar Oo Xuduudaha Isu Furay!

Maalinta Talaadada Oo Ku Beegan Bisha January 05,2021 Waxaa Dhacaya Shir Ay Isugu Imaanayaan Dowladaha Khaliijka:- Sacuudiga, Kuwait, Imaaraadka, Cummaan, Baxrayn Iyo Qadar, Kaasoo Lagu Qaban Doono Woqooyiga Sacuudiga Waana Magaalada Al Cula, Ee U Dhow Magaalada Tabuuk Waana Shir Socon Doona Muddo Hal Maalin Ah Sida Wasiirka Arrimaha Debadda Ee Dalka Kuwait Shaaciyey In Xuduudaha Sacuudiga Iyo Qadar Ay Isu Furan Yihiin Laga Bilaabo Galabnimada Isniinta January 04,2021
Xuduudaha Sacuudiga Iyo Qadar Laysu Furay, Dowladda Iiraana Waxay Khasaari Doontaa 100 Milyan Oo Dollarka Maraykanka Ah Sannadkii Waayo Dayaaradaha Dowladda Qadar Cunaqabatayntaa Ka Dib Waxay Isticmaalayeen Jawiga Iiraan Si Ay Ugu Kala Gooshaan Caalamka, Waxaa Intaa Dheer Loona Baahan Yahay In La Xuso In DF Soomaaliya Oo Dhexdhexaad Ka Noqotay Dagaalkaa Khaliijka Oo Maanta Oo Kale Weji Gabax Kala Kulmi Lahayd.

Jidda/Sacuudi Carabiya

Ali Sheikh

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this