Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo doonaya inuu qabto Doorasho ay ka maqan yihiin Inta badan Musharixiintu

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar lagu kalsoonyahay oo aan helnay ayaa xaqiijinaya in ay Xukuumada Federaalku qorshaynayso in Dalka ay ka dhacdo Doorasho, tasoo qorsheheeda ay si hoose u dajisay Xukuumadu.

Xukuumadu waxay wadaa Qorshe cusub oo maalmahaanba si hoose u socday kasoo ah in ay qabato Doorasho iyadoo uu wali taagan yahay Muranka Musharixiinta kala dhexeeya, Doorashadasoo noqonaysa mid ay ka qayb galayaan Musharixiinta qaarkood.

Xukuumadu waxay qorsheysaa in Xildhibaanada Baarlamaanka labada Aqal ay soo xulaan tiro Kooram ahaan Buuxinnkarta inay doortaan Gudoomiye kadibna ay si deg dega u guda galaan Doorashada Madaxweynaha.

Waxay Xukuumadu diyaarinaysaa Musharixiin Cusub oo la tartamaya Madaxweyne Farmaajo, Halka ay doonayaan inay Diiwaan galiyaan Musharixiinta hada sida wayn u diidan Madaxweyne Farmaajo kolka ay diidaan Diiwaan galinaya waxaa lagu shaabadeynayaa inay diideen iney isdiiwaan galiyaan, waa nooc Doorasho oo waxoogaa u yara eg tii Galmudug iyo Hirshabeele,

Wararku waxay intaas ku darayaan in Madaxweyne Farmaajo oo Garab ka helaya Raysal wasaaraha iyo Madaxweynaha Galmudug ay xodxodosho ugu jiraan Musharixiinta qaarkood si looga gado Qorshahaan iyagana jagooyin sarsare loo balan qaadayo.

Qorshahaan wuxuu kursiga ka ilaalinaya Madaxweynayaashii hore iney dib usoo laabtaan ama doorashadaba ka qayb galaan.

Puntlandi.com Muqdisho

The post Madaxweyne Farmaajo oo doonaya inuu qabto Doorasho ay ka maqan yihiin Inta badan Musharixiintu appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this