Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada ammaanka oo howl-gallo ka sameeyey Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka amniga ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka sameeyay xaafadaha magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad goboleedka Hirshabeelle

Howlgalkaan oo ahaa mid amniga lagu sugayo ayaa lagu soo qabtay dad aad u fara badan, kuwaas oo qaarkood lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay si wadjir ah u fuliyeen ciidamo isugu jira Boolis, Nabad sugid iyo ciidanka Booliska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa baaritaanada u sameynayay si feejigan, iyagoo u dhimrinaya shacabka.

Mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Hirshabeelle ayaa ciidanka ku bogaadiyay howlgalada ay wadaan iyo sida ay bulshada ula dhaqmayaan,waxayna ku micneeyeen ujeedka howlgaladan kuwo lagu sugayo amniga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this