Deeq A. Posted January 5, 2021 Ciidanka amniga ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka sameeyay xaafadaha magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad goboleedka Hirshabeelle Howlgalkaan oo ahaa mid amniga lagu sugayo ayaa lagu soo qabtay dad aad u fara badan, kuwaas oo qaarkood lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab. Howlgalka oo ay si wadjir ah u fuliyeen ciidamo isugu jira Boolis, Nabad sugid iyo ciidanka Booliska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa baaritaanada u sameynayay si feejigan, iyagoo u dhimrinaya shacabka. Mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Hirshabeelle ayaa ciidanka ku bogaadiyay howlgalada ay wadaan iyo sida ay bulshada ula dhaqmayaan,waxayna ku micneeyeen ujeedka howlgaladan kuwo lagu sugayo amniga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe. View the full article Share this post Link to post Share on other sites