Sign in to follow this  
Deeq A.

Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland oo si adag u cambaareeyay dil ay gaysteen Booliiska Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, ayaa si adag u cambaareeyay dilka gabar yar oo 15-sano jir ah, taas oo ku dhimatay Rasaas ay Booliiska Puntland u adeegsadeen dad muddaharaad ka samaynayay Garowe, 26-kii December 2020.

Xafiiska ayaa Qoraal uu soo saaray ugu baaqay hay’adaha Amniga Puntland, in ay sida ugu dhakhsaha badan sharciga ku hor-geeyaan askartii ka dambaysay dilka gabadhaas yar oo 2-dii bishan u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray Rasaastii Booliiska.

Sidoo kale, Xafiisku wuxu walaac xooggan ka muujiyay dib u-dhaca ka jawaabidda Cabashada dhibbanayaasha, taas oo aysan weli ka jawaabin hay’adaha Sharci-fulinta ee Puntland, sida uu sheegay Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha.

Taliyaasha kala duwan ee Laamaha Amniga Puntland, wuxuu Xafiisku ku boorriyay in ay u hoggaansamaan Sharciga, islamarkaana tallaabo kasta oo ay qaadayaan ay ilaaliyaan bed-qabka iyo Nolosha dadka Rayidka ah.

Difaacaha.jpg?resize=720%2C932&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland oo si adag u cambaareeyay dil ay gaysteen Booliiska Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this