Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo boggaadisay heshiiska dalalka Sucuudiga & Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuweyt ee ku saabsan miro-dhalka dadaallada dib u heshiisiinta Boqortooyada Sucuudiga iyo Dowladda Qatar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa waanwaanta iyo dadaalkii joogtada ahaa ee Amiirkii hore ee dalka Kuweyt, Alle ha u naxariistee, Sheekh Sabaax Axmed Aljaabir uu ku bixiyey xal u helidda khilaafkan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku faraxsan tahay dadaallada Amiirka dalka Kuweyt Amiir Nawaaf Axmed Aljaabir iyo hoggaamintiisa wadahadallada lagu dhammeystirayo soo celinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo dad ee walaalaha ah iyo guud ahaan dalalka Khaliijka.

Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa mar walba ka go’an xoojinta xiriir diblomsiyadeed oo ku dhisan dhexdhexaadnimo, wax wadaqabsi iyo ilaalinta xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka dan-wadaagta ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this