Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Xasan Sheekh iyo Deni?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka Xassan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Garoowe ayaa xalay kulan la qaatay madaxweynaha Maamulka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni.

Kulankan ayaa labada mas’uul waxa ay uga wada-hadleen xaaladda siyaasaddeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka oo weli caqabado ay ku hor gudban yihiin.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla gartay in dadaal fara badan lagu bixiyo sidii loo qaban lahaa shir xal looga gaarayo arrimaha doorashooyinka, si horay loogu socdo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowr jeer ku cel-celiyay in ay muhiim tahay in xal waara laga gaaro Arrimaha doorashooyinka maadaama waqti kooban ay ka harsan tahay mudada xilheynta Madaxda dowladda Soomaaliya.

Kulanka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa uu ka mid yahay kulamada ka socda Magaalada Garoowe oo looga hadlayo xaalada dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

135722050_3646455838781976_1344646756989784012_n 135782583_3646455718781988_808203847135998641_n 135830494_3646455632115330_7807854144323691546_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this