Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad ku taal Dalka UK laashay Codsi Mareykanka ku doonayey in loo soo gacan geliyo Qof loo haysto Denbiyo Basaasnimo

Recommended Posts

Deeq A.   
Maxkamad ku taal Dalka UK laashay Codsi Mareykanka ku doonayey in loo soo gacan geliyo Ruux ay ku haystaan Denbiyo Basaasnimo assange.jpg

Maxkamad ku taal dalka Ingriiska ayaa maanta laashay codsi uga yimid Mareykanka kaas oo ay ku doonayeen in loo gacan-geliyo aas-aasaha website-ka sirta faafiya ee Wikileaks Julian Assange.

Go`aanka maxkamadda ayaa soo baxay maanta oo Isniin ah kadib isbuucyo oo ay socotay dacwadda ah in Assange loo dhiibo Mareykanka.

Mareykanka ayaa  Julian Assange ku haysta dambiyo la xiriira basaasnimo iyo in uu ka xaday wasaaradda difaaca dalkaasi xogo sir ah oo la xiriira dagaalka Mareykanku ka waso waddamada Ciraaq iyo Afghanistan dabadeedna uu kusoo daabacay website-kiisa Wikileaks.

Assange ayaa magangelyo siyaasadeed u galay sannadkii 2012-ka safaaradda ecuador ku leedahay magaalada London halkaas oo uu ku jiray ilaa laga soo eryo horraantii sannadka 2019-kii.

Tan iyo sannadkii 2019 waxaa uu ku jiray xabsi si weyn loo ilaaliyo kaas oo ku yaal dalka Ingriiska.

Mareykanka ayaa racfaan ka qaatay diidmada maxkamadda, waxaana haddii loo gacangeliyo uu muteysanayaa xaris dhan 175 sano ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this