Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba Shirkadood Oo Maanta Shidaalka Soomaaliya Loo Saxeexayo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Laba shirkadood ayaa la filayaa in maanta loo saxeexo qodista shidaalka Soomaaliya, ayada oo kulan arrintaas ku saabsan uu ka dhacayo madaxtooyada Soomaaliya, sida ay baahiyeen warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Muqdisho.

Heshiiskan ayaa waxaa si wadajir ah u saxeexaya Dowladda Soomaaliya iyo shirkadaha qotista shidaalka, waxaana goobjoog ka noqon doona madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen.

Sababta labadan madaxweyne looga casuumay kulanka ayaa lagu sheeegay inay tahay in xidhmooyinka shidaalka (Blocks) ee la bixinayo ay ku kala yaallaan Xeebaha degmooyinka Hobyo iyo Baraawe, ee hoos taga Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Labadan deegaan ayaa ka mid ah meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah oo hore sahmin shidaal looga sameeyay, kuwaas oo la tuhmayo inuu shidaal ku jiro.

Xogta ay helayaan warbaahinta Muqdisho ee ay Somalilandtoday wararkan ka soo xiganayso ayaa sidoo kale sheegeysa in labada shirkadood ee loo saxeexayo shidaalka Soomaaliya ay kala yihiin Liberty, iyo Coastline Exploration Petroleum, oo hore loo odhan jiray Soma Oil and Gas.

Shirkada Coastline ayaa waxaa hadda madax ka ah Cabdullaahi Shiikhey oo ah nin ku xeeldheer arrimaha qandaraasyada shidaalka, islamarkaana ah ninka haya malafka shidaalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ay shalay ka digeen in khatarta ka iman karta heshiisyo qarsoodi ah oo lagu bixinayo shidaalka Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this