Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkado Ajnabi ah oo loo xidhay Wadooyin muhiim ah oo ku yaala Muqdisho+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkado Ajnabi ah oo loo xidhay Wadooyin muhiim ah oo ku yaala Muqdisho+Sababta

 muqdisho-1.jpg

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in qaar kamid ah wadooyinka muhiim ah ee Muqdisho u xidhan yihiin Hay’addo shisheeye.

Waxa uu sheegay Hogaamiyaha Wadajir in la xidhay wadooyinka isku xidha Madaxtooyada Soomaaliya iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde sababo la xidhiidha in shirkado ajnabi ah loo saxeexayo xidhmooyin shidaal ah.

”Wadooyinka ka soo baxa madaxtooyada ee gala garoonka diyaaradaha waxay u xidhan yihiin shirkado ajnabi ah oo loo saxeexayo xidhmooyin shidaal, iyadoo aan la marin shuruucdii iyo habraacyadii lagu heshiiyey. Sababta ugu wayn ee xilligan heshiiska loogu degdegayo, iyadoo muddo xileedkii dawlada uu gebogebo yahay waa in shirkadaas laga helo dhaqaale lagu galo doorashada.”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hadalkan kasoo yeedhay Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya xili shalay qoraal ay soo saareen Musharaxiinta Madaxweyne ee Somalia ka digeen  heshiis shidaal baadhis ah oo Xukumada Farmaajo la gelayso shirkaddo laga leeyahay dalal shisheeye.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this