Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Dowladda oo Howl-galo ka Fuliyay Magaalada Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada booliiska  sida gaarkaa u tababaran ee Haramcad ayaa howl galo Amni xaqijin ah xalay ka bilaabay magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabeelle .

Howl galka oo laga sameyay xaafadaha magaalada ayaa la arkayay ciidamada Haramcad oo gaaf waregaya xaafadaha Magaalada.

Qaar ka mid ah Saraakiisha howl galka hogaaminaysay ayaa sheegay in la baadi goobayo xubna ka tirsan Ururka Al-shabab oo falal Amni daro ah ka fulinaya Caasimadda maamulka Hirshabe ee Jowhar.

Magaalada Jowhar ee caasimadda maamuka Hirshabelle ayaa ka mid ah magaalooyinka loo asteeyay in ay ka dhcdo doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee Federaalka.

FB_IMG_1609698641336.jpg FB_IMG_1609698643176.jpg FB_IMG_1609698644800.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this