Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qaraxyo ka dhacay degmada Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan seddex qof oo midkood askari yahay ayaa lagu dilay, lix askari oo uu ku jiro taliye ciidan-na way ku dhaawacmeen kadib laba qarax oo galinkii dambe ee shalay ka dhacay bar-kontarool oo ku taalla degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhex.

Dhawaqa qaraxa koowaad oo laga maqlay guud ahaan magaalada, sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ah.

Sidoo kale waxaa qaraxa koowaad ku dhintay laba dhalinyaro oo ciidanka la joogay, halka qaraxa labaadna uu dhacay, kadib markii dad badan ay kusoo xoomeen goobta.

Lix askari oo qaarkood dhaawacyadooda culus yahiin ayaa loo soo qaaday Muqdisho,si loogu soo daweeyo xaalaaddooda caafimaad.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ka dhan ah ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ka fuliya gudaha dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this