Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo iyo Lafta Gareen oo Villa Somalia ku kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Farmaajo, ayaa xalay kulan gaar ah xarunta Madaxtooyada Villa Somalia kula yeeshay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

Kulankaas labada mas’uul waxay uga wada-hadleen marxaladda kala guurka ah ee dalka, gaar ahaan muranka Arrimaha doorashada ka aloosan iyo sidii loo xallin lahaa murankaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta ku wajahan Muqdisho waxaana la filaya in uu ku biiro wada-hadalka Madaxweyne Farmaajo iyo Lafta Gareen.

Madaxweyne Qoor Qoor, ayaa hore u shaaciyay in isaga iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ay dadaal ugu jiraan xallinta muranka Arrimaha Doorashada dalka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo iyo Lafta Gareen oo Villa Somalia ku kulmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this