Deeq A. Posted January 3, 2021 Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray xerada Bali-doogle ee gobolka Sh/ Hoose. Rooble iyo wafdigiisa ayaa waxaa Xeradaas ku soo dhoweeyay saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Mareykanka ee degan saldhiggaasi. Ra’iisul wasaaraha ayaa muddada uu joogo xerada u kuur-galayaa howl-gallada ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed. Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu kormeer ku sameyn doonaa qeybaha ay ka kooban tahay xerada Bali-doogle oo ah taliska ururka 16-aad ee Kumaandooska Danab. Booqashadan ayaa ku soo aadeysa, xilli dowladda Mareykanka ay haatan qorsheyneyso in dhammaan ciidamadeeda ay kala baxdo gudaha Soomaaliya, waxaana go’aankaasi horey ugu dhowaaqay madaxweynaha laga guuleystay ee dalkaasi Donald Trump. View the full article Share this post Link to post Share on other sites