Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Danab oo howl-gallo qorsheysan ka fuliyey gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howl-gallo ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Baay ee Koonfur Galbeed, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Deegaannada howl-galka laga sameeyay ayaa waxaa ay kala yihiin, Buur-Heybe, Jiira-Koolow, durdurow, Saaxweyn iyo Yaq-Doomaar, kuwaas oo hoostaga degmada Buurhakaba.

Saraakiisha DANAB ee howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen inay burburiyeen Xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Sidoo kale saraakiishu waxa ay tilmeem in howl-galka ay ku qabteen rag ka tirsan Al-Shabaab, Mootooyin ay isticmaali jireen iyo Agab Ciidan.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this