Sign in to follow this  
Deeq A.

Iskudaygii Ugu Dambeeyay Doonayay In Lagu Laalo Natiijooyinka Doorashadii Maraykanka Oo Fashilmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa guuldarraystay iskudaygii ugu dambeeyay ee ay wadeen xulafada Madaxweyne Donald Trump ee ay doonayeen in lagu laalo natiijada doorashadii Mareykanka ee la qabtay bishii Nofeembar.

Xaakim ku sugan gobolka Texas ayaa waxa uu diiday kiiskaasi uu maxkamadda horkeenay Louie Gohmert oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, kaas oo doonayay in Madaxweyne ku xigeen Mike Pence uu joojiyo inuu meelmariyo natiijada kama dambaysta ah.

Qareennada Mr Pence ayaa waxa ay Khamiistii codsadeen in kiiskaasi meesha laga saaro.

Madaxweynaha la doortay, Joe Biden, ayaa lagu wadaa inuu xilka la wareego 20-ka bishan Janaayo. Mr Trump ayaanan weli qirin in laga adkaaday.

Mr Gohmert oo ah Jamhuuri ka tisan Kongareeska Mareykanka ayaa waxa uu Newsmax TV u sheegay inuu qorshaynayo inuu racfaan ka qaato go’aankaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this