Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo isbitaalka ku booqday dhaawacyada Qaraxii shalay

Recommended Posts

Deeq A.   
1-2.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xalay ku booqday isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho dhaawacyada howlwadeennadii ka shaqeynayay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ee ee shalay qaraxa lala beegsaday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u dul istaagay howlwadeennadan ku dhaawacmay iyagoo ka shaqeynaya horumarinta dalka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Injineerro u dhashay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, isagoo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga sida ay uga dhiirran yihiin garabsiinta walaalahooda Soomaaliyeed.

Argagixisadu waxa ay ka soo horjeedaan nabadda iyo howl kasta oo dalkeenna lagu horumarinayo, waxaase xaqiiq ah in marnaba weerradooda fulaynimada ah aysan ka hor istaagayn shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dib u dhiska iyo horumarinta dalka”. ayuu yiri Rooble

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Alle u weydiiyey naxariistiisa Janno walaalihii Turkiga ahaa ee ku nafwaayay falkan iyo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee kala shaqeynayay dhismaha waddada muhiimka ah ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxa uuna tilmaamay in dowladdu ay xoogga saareyso daryeelka caafimaad ee dadkaas

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo isbitaalka ku booqday dhaawacyada Qaraxii shalay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this