Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda oo joojisay in Hubka lala galo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta  soo saartay Amar ku aadan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Amniga Xukuumadda ayaa shaacisay in la joojiyay hubka lala galayo gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, xiliyada ay Garoonka kasoo degayaan Mas’uuliyiinta iyo Madaxdii hore ee dalka.

Amarka kasoo baxay Wasaaradda Amniga  waxaa lagu sheegay in hubka Garoonka ay la geli karaa oo kaliya Ilaalada la socota Madaxda sare ee dowladda Federaalka.

Si kastaba Amarkaan lasoo saaray ayaa kusoo aadaya, iyadoo Madaxweyneyaashii hore ee dalka iyo Musharaxiinta Madaxweynaha ay Garoonka galaan Ilaalada la socota, xiliyada ay Garoonka Aadan Cadde kasoo degayaan ama ka dhoofayaan.

one.jpg?resize=660%2C1024&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dowladda oo joojisay in Hubka lala galo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this