Deeq A. Posted January 3, 2021 Wiil dhalinyaro ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ku geeriyooday magaalada Dhusameeb ee caasimadda maamulka Galmudug , xili uu ciyaarayey kubadda cagta sida ay sheegayaan warark aaan ka helayno magaalada. Marxuum Yaxye Maxamed oo da’diisa lagu sheegay 14 sano jir ayaa geeriyooday shalay galinkii dambe xili uu ku gudajiray ayaa geeriyooday ciyaarta, dhallintii garoonka kula jiray ayaana ka naxay geerida kadiska ah ee Yaxye. Ehelada marxuumka oo goobta soo gaaray ayaa qaaday meydka wiilka dhallinyarada ah, waxaana geeridiisa loo sababaynayaa inuu si kadis ah u istaagay wadnaha, da’yartii la ciyaareysay ayeyna ku keentay cabsi geeridiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites