Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil Ku Geeriyooday Galmudug Isagoo Kubad Ciyaaraya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wiil dhalinyaro ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ku geeriyooday magaalada Dhusameeb ee caasimadda maamulka  Galmudug , xili uu ciyaarayey kubadda cagta sida ay sheegayaan warark aaan  ka helayno magaalada.

Marxuum Yaxye Maxamed oo da’diisa lagu sheegay 14 sano jir ayaa geeriyooday shalay galinkii dambe xili uu ku gudajiray ayaa geeriyooday ciyaarta, dhallintii garoonka kula jiray ayaana ka naxay geerida kadiska ah ee Yaxye.

Ehelada marxuumka oo goobta soo gaaray ayaa qaaday meydka wiilka dhallinyarada ah, waxaana geeridiisa loo sababaynayaa inuu si kadis ah u istaagay wadnaha, da’yartii  la ciyaareysay ayeyna ku keentay cabsi geeridiisa.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this